1191 Views

Wargayska The Economist oo daabacay in Midowga Yurub uu si KMG ah u joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray dowlada Soomaaliya.

Wargayska The Economist  oo daabacay in Midowga Yurub uu  si KMG ah u joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray dowlada Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho Qol  March 12  2021

Sida uu daabacay Wargeyska dhaqaalaha ka faallooda ee The Economist Midowga Yurub ayaa jaray si KMG ah dhaqaalihii tooska ahaa ee uu siin jiray dowlada Soomaaliya.

Lacagta oo lagu kabi jiray miisaaniyada dowladda ayaa la billaabay sanadkii 2018, ayada oo wixii markaas ka horeeyeey la marsiin jiray hay’adaha iyo ururada aan dowliga aheyn ee mashaariicda ka wada Somalia qeybo ka mid ah.

The Economist ayaa sheegay in Midowga Yurub uu u hakiyey dhaqaalahaas sababo la xiriira walaac la xiriira khilaafka doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Wargeyska ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday uu isku dayayo inuu maquuniyo doorashada isagoo dhinac u riixaya mucaaradka, islamarkaana u adeegsanaya ciidamada.

Xukuumada federaalka Somalia ayaan weli ka hadlin arrintan oo dhaawac halis ah u geysaneysa miisaaniyada dowlada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post