909 Views

Taabit Cabdi oo farriin u diray Madaxda Shirka uga furmayo Dhuusamareeb

Taabit Cabdi oo farriin u diray Madaxda Shirka uga furmayo Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 09  2020–Guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir ahaana Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa soo dhaweeyay shirka lagu wado in Maalinta berito ah uu Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal uu Taabit Cabdi soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku sheegay in wada-hadalka uu yahay mid dawo u ah Shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad walba,isaga oo bogaadiyay kulanka Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Taabit Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in shirka Magaalada Dhuusamareeb loo baahan yahay in uu intaasi ka ballaarto,iyada oo la eegayo duruufaha dalka kajira,isla markaana wajiga labaad ee shirka ay ku biiraan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir.

Wadahadalku waa u dawo Dad iyo Dowladba. Shacabka Soomaaliyeed waxay rabaan nabad, maamul wanaagsan iyo wadajir, waana sababta loo dhageysanayo qof walba oo maanta yiraahda waxaan wadaa dib u heshisiin siyaasaddeed iyo mid bulsho.

Waxaan boggaadinayaa kullanka Dhuusamareeb, waxaana ugu baaqayaa madaxda isugu imaaneysa caasimadda Galmudug in ay curiyaan aragti badbaadin karta Dowladnimada Soomaaliya, abuuri kartana doorasho la isla ogolyahay oo aan lumineyn xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in kullanku uu intaas ka ballaarto iyadoo la eegayo waqtiga ka dhiman muddo xilleedka madaxda Dowladda hada jirta, oo wajiga labaad ee shirka ay ku biiraan madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Xisbiyada Siyaasadda, si loo helo xal Qaran.

Mahad-badan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post