594 Views

Xeer-illaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada oo shaaciyay Dilkii Gudoomiyihii Degmada Hodon in uu ahaa Dil bareer ah..

Xeer-illaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada oo shaaciyay Dilkii Gudoomiyihii Degmada Hodon in uu ahaa Dil bareer ah..
____________________________________________________________________________

April 11-4-2021

Ku dhawaad 70  cisho kadib Dilkii loo geestay Gudoomiyihii Degmada Hodon Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun  ayaa waxay xalay shaaciyeen Xeer-illaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  in uu ahaa Dilkaas mid Kas ah.

Jeneral Cabdullahi Buulle Kamey oo la hadlayay saxaafada gaar ahaan Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun uu ahaa “dil kas ah. Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabi Doonto Dacwadaas.

Waxa uu intaas ku daray in saakay  ay shaacin doonaan magacyada ayna sameyn doonaan eedda ka dhanka ah dadka loo haysto dilka, islamarkaana ay muddeyn doonaan maxkamadda.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixaakiim Dhegajuun ayaa 21-kii Janaayo lagu dilay is-rasaaseyn ka dhacday isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho abaare 2-dii aroornimo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post