909 Views

Myanmar oo u yeertay safiirkeeda u fadhiya dalka UK oo ka hadlay xariga haweeneydii Aan saan suu kii oo ciidamada u xiran

Myanmar oo  u yeertay safiirkeeda u fadhiya dalka UK  oo ka hadlay xariga haweeneydii Aan saan suu kii oo ciidamada u xiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Dawlada Myanmar ayaa u yeertay safiirkeeda u fadhiya dalka Ingiriiska oo dhawaan ka hadlay xariga haweeneydii dalkaas hogaaminaysay ee Aan saan suu kii oo ciidamada u xiray.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Myanmar ayaa lagu amray in danjire Kaw War Miin oo ah safiirka Myanmar ee Ingiriiska inuu dalkiisa ugu laabto

Warkaan waxaa lagu sheegay in safiirkaan uu ka xadgudbay siyaasaadda dawlada ee arrimaha dibbadda oo uu ka hadlay arrimo xasaasiya oo uu fasax u haysan.

Danjirahaan ayaa maalintii Isniin sheegay inuu ka xunyahay waxa dalkiisa ka socda waxaana uu codsaday in la sii daayo madaxda xiran oo ay ku jirto Aan San Su kii waxaana uu ka digay dagaal sokeeye oo dalkaas ka dhaca.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post