1089 Views

Darewalkii Dhakhaatiirta Laga Afduubtay Mandheera Oo La Amray In Xabsiga Lagu Sii Hayo

Darewalkii Dhakhaatiirta Laga Afduubtay Mandheera Oo La Amray In Xabsiga Lagu Sii Hayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019 Dareewalkaasi oo lagu magacaabo Isaaq Ibrayn Elbow oo lala xiriirinayo afduubkii 2 Dhakhtar oo u dhalatay dalka Kuuba oo Jimcihii laga qafaashay Mandhera ayaa la amray in muddo 15 maalmood lagu sii hayo Saldhig Bolis oo ku yaalla Nairobi.

Garsoore Muthoni Nazibe ayaa bixiyey Amarka lagu sii hayn doono Dareewalkaasi, kadib, markii ay Ciiddanka Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda (ATPU) sheegeen inay Dareewalkaasi ku tuhunsan yihiin inuu ku lug lahaa Afduubkii loo geystay Labada Dhakhtar ee Kuubaanka oo lagu kala magacaabo Dr. Assel Herera Korea iyo Dr. Landays Rodrigus.

Sida laga xigtay Boliska dalkaasi waxaay sheegeen inay hayaan warbixino ay ururiyeen oo muujinaysa inuu Dareewalka xiran  ku lug lahaa afduubka Dhakhaatiirtaasi iyo inuu jiro xiriir dhex maray isaga iyo dadkii weerarka soo qaaday ee qafaashay Dhakhaatiirtaasi, waa sida hadalka loo dhigay.

 

Waa weerarkii 2-aad ee dad Ajaaniib ah laga soo qafaasho gudaha Kenya tan iyo bishii November 20-dii ee sannadkii hore, iyadoo xilligaasi Haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Silvia Konstansa Romano oo 23-jir ah laga qafaashay Tuulladda Jakama ee Gobalka Kilifi ee dalka Kenya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment