1335 Views

Joe Biden oo ku baaqay in la dajiyo colaadda Qaza iyo Israa’iil oo duqaysay Lubnaan.

Joe Biden  oo ku baaqay in la dajiyo colaadda Qaza iyo Israa’iil oo duqaysay Lubnaan.
____________________________________________________________________________

May 19 2021

 Ayadoo Israa’iil ay duqaysay bartilmaameedyo ku yaal dalka Lebanon, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden wuxuu khadka teleefoonka kula hadlay Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Joe Biden.

Waa markii afaraad oo labadaas masuul ay teleefoonka ku wadahadlayaan tan iyo markii uu dagaalku bilowday. Maraykanka ayaana xiriir aad u dhow la leh Israa’iil isla markaasna is bahaysi qoto dheer uu ka dhexeeyaa.

Wuxuu Maraykanku goor horeba ka soo horjeestay bayaan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen colaadda taagan.

Bayaan Aqalka Cad ka soo baxay ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye “ay si qoto dheer uga wadaxaajoodeen” xaaladda meesha ka jirta iyo “dadaallada diblumaasiyadeed ee socda” si xabbad joojin loo gaaro.

Bayaanka ayaa lagu soo gebogabeeyey “ in madaxweynuhu uu Ra’iisal Wasaaraha gaarsiiyey in u ka filayo in xaaladda la dajiyo si xabbad joojin loo gaaro.’’

Goor sii horraysay ayaa Netanyahu wuxuu sheegay in militeriga Israa’iil ay leeyihiin “ujeedooyin ay tahay in ay gaaraan” isla markaasna aysan “gacmaha ka laaban doonin” waxa socda.

Ilo wareedyo laga helayo wasaaradda difaaca Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay “in wali wax xabbad joojin an aysan wali miiska saaranayn”. Masuuliyiinta Xamaas ayaa sheegay in dadaallada xabbad Joojintu ay ahaayeen “kuwo ka dhab ah isla markaana ay sii wadayaan,” balse waxay Israa’iil ku eedeeyeen in ay arrintaas ayadu “xagal-daacinayso”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post