975 Views

Qodobo kasoo baxay shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta

Qodobo kasoo baxay shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta
____________________________________________________________________________


Axad: November 28, 2021

Kulan xasaasi ah oo maanta ay yeeshen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Roobe iyo Xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka, ayaa waxaa laga gaaray is faham hordhac ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa walaac xoogan ee ay ka qabaan daah-furnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay iminka wax u socdaan la wadaagay ra’iisul wasaare Rooble.

Sida uu shaaciyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa la isla qaatay labo qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1. In wax laga bedelo hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, shirna iskugu yimaadan Golaha Wada-tashiga Qaranka.


2. Guddiyada doorashada inay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashooyinka.

Rooble ayaa la wadaagay Musharaxiinta Mucaaridka warbixin ku aadan dadaalka uu ugu jiro sidii ay dalka uga hirgeli laheyd doorasho daah-furan oo xor iyo xalaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u sheegay xubnaha mucaaridka in Guddiyada Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal uu u qabanayo shir foogaan arag ah kaas oo lagaga hadlaayo daah-furnaata doorashada.

Waxa uu ballan-qaaday in lala xisabtamaayo cid kasta oo ku xad-gudubta hufnaanta doorashada, xili ay isa-soo tarayaan ku takri-fal awoodeed iyo xadgudbyo baalmarsan heshiisyadii doorashada.

Ugu dambeyntiina waxaa la isla qaatay in si wadajir ah looga shaqeyo in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan, islamarkaana loo saxi lahaa qaladaadka jirra.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post