1137 Views

Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Gedo oo la kala qaaday

Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Gedo oo la kala qaaday
____________________________________________________________________________

Nabaddoonada, waxgaradka iyo saraakiisha Ciidamada Xooga dalka ee ka howlgala Jubaland ayaa ku guuleystay inay damiyaan colaad mudooyinkan dambe u dhexaysay laba beelood oo ku dagaalamayay deegaanada hoos yimaada degmada Doolow.
Dhinacyada ayaa sidoo kale dambeen ku guuleystay in ay kala qaadaan maleeshiyadoo halkaasi ku dagaalamayay oo isku hayay dhul daaqsimeed.

Nabadoon Iftiin Maxamuud Cali oo kamid ah odayaasha Dooloow ayaa sheegay in Odayaal guddi ah oo ka kala yimid degmooyinka Doolow iyo luuq ay ku guuleysteen inay dagaalka joojiyaan, isla markaana Ciidamada ay kala qaadaan.
Nabadoonka oo la hadlay Warbaahinta waxaa uu sheegay in la isku raacay laba qodob oo kala ah, in Xabadda la joojiyo in Ciidamada la kala qaado taasina lagu guuleystay ayna qeyb ka ahaayeen Maamulada labada degmo ee luuq & Doolow.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka labada maleeshiyo Beleed ku dhex-maray degaan hoostaga degmada Doolow, kaas oo muddo ka badan todobaad ah socday, hayeeshee markii dambe lagu guuleystay in xal laga gaaro

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post