870 Views

Dad ka badan150 qof oo “macluul ugu dhintay gobolka Tigray ee Itobiya

Dad ka badan150 qof oo “macluul ugu dhintay gobolka Tigray ee Itobiya
____________________________________________________________________________



Talaado: September 7, 2021

Iyada oo ay sii xumaanayso duruufta bini’aadanimo ee jirtaa gobolka Tigray ayaa fallaagada Tigray waxay sheegtay in boqol iyo konton qof ay dhici karto in ay macuul u dhinteen.

Xukuumadda Itoobiya ayaan ilaa haatan ka falcelinin warkaas. Balse waxay hore u diiday eedo ay Qaramada Midoobay u soo jeedisay oo ah in ay gargaarka gobolkaa la xannibtay.

Madaxa beeraha ee kooxda TPLF Atinkut Mezgebo, ayaa sheegay in dadka iyo xooluhuba ay u dhimanayaan cunto la’aan “waxaana laga yaabaa in dhibaatada intaas ka sii weynaato ”.

Waxa aan macquul aheyn in si madaxbanaan loo xaqiijiyo eedeymaha maadaama khadadka taleefanka iyo internetka ay weli ka go’an yihiin gogbolka Tigray.

Balse hay’adaha gargaarka ayaa in muddo ahba ka digayay masiibo bani’aadamnimo. Qoraalka ay sii daayeen ciidamada Tigreega Isniintii ayaa lagu sheegay in dadka dhintay qaarkood ay ku jireen xerooyin ay ku noolaayeen dadka ka soo barakacay colaadda socota

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post