762 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 06, 2021Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xukuumadda ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta dib ugu soo labtay Magaalada Muqdisho, iyada oo la soo dhaweeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Guddoomiye kuxigeenka Amniga & siyaasadda gobolka Banaadir Cali Maxamed Warsheere & xubno  ka tirsan Golaha Wasiirada.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa uu uga qeyb-galay shirka Wadatashiga Maamul goboledyada Dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkii Magaalada Dhuusamareeb  ayaa xalay la soo geba-gabeeyay, iyada oo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post