378 Views

weerar lagu qaaday bar koontarool oo ciidamada Mali ku leeyihiin meel qiyaastii 70 KM u jirta caasimadda Bamako.

weerar lagu qaaday bar koontarool oo ciidamada Mali ku leeyihiin meel qiyaastii 70 KM u jirta caasimadda Bamako.
____________________________________________________________________________

Sabti July 16, 2022

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay kuwo kalena way ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday bar koontarool oo ay ciidamada Mali ku leeyihiin meel qiyaastii 70 KM u jirta caasimadda Bamako.

Inkastoo aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, haddana waxaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan mintidiin Islaami ah.

Dowladda Mali ayaa sanadihii dambe u dagaal xooggan kula jirtay kacdoon ay wadaan Islaamiyiinta.

Masar ayaa Jimcihii shaacisay inay hakinayso dowrka ay ciidamadeeda ku leeyihiin nabad ilaalinta ay Qaramada Midoobay ka wado Mali, maadaama marar badan la beegsaday.

Xukuumadda milateriga ah ee Mali ayaa kaalmo weydiisatay shirkad ciidan oo Ruushka laga leeyahay, waxaana meesha ka baxay Faransiiska oo kumannaan askari ay ka joogeen waddankaas.

Mintidiinta Islaamiga ah ee Mali ayaa intii muddo ah weerarradooda ka fulinayay Waqooyiga iyo Bartamaha dalkaas, balse looga baran in ay weerar ka fuliyaan meel 70 Km u jirta caasimadda Bamako.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post