786 Views

Jilaaga Aflaanta Bollywood-ka Shah Rukh Khan wiilkiisa Aryan Khan oo Axaddii xabsiga loo taxaabay

Jilaaga Aflaanta Bollywood-ka Shah Rukh Khan wiilkiisa Aryan Khan  oo  Axaddii xabsiga loo taxaabay
____________________________________________________________________________

Talaado:  October 5, 2021

Jilaaga Aflaanta Bollywood-ka Shah Rukh Khan wiilkiisa Aryan Khan, ayaa Axaddii xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay dacwad ku soo oogtay Waaxda Xakamaynta Mukhaadaraadka ee dalka Hindiya.

Aryan Khan oo ah curadka jilaaga caanka ah ayaa la sheegay in lagu qabtay kiis la xirriiro daroogo.

Aryan, oo dalbaday in damiin lagu sii daayo ayaa lagu xiray xabsiga Waaxda Xakamaynta Mukhaadaraadka ee dalkaas.

Xaaska Shah Rukh Khan, Gauri Khan, ayaa la sheegay inay ka qayb gashay shalay dhageysiga dacwada kiiska wiilkeeda oo lagu haysto inuu qabto xaflado lagu isticmaalo daroogo.

Aryan Khan, ayaa ku dhashay magaalada New Delhi, November 13, 1997-kii waana curuadka Shah Rukh Khan iyo Gauri Khan. Lammaanaha ayaa sidoo kale haysta laba carruur ah oo kale.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post