945 Views

Australia oo Diiwaangelisay Kiisaskii ugu badnaa ee COVID-19.

Australia oo Diiwaangelisay Kiisaskii ugu badnaa ee COVID-19.
____________________________________________________________________________

 


Sabti: August 28, 2021

Australia ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay diiwaan galisay 1,126 kiis oo coronavirus ah taas oo noqonaysa tiradii ugu badneyd ee dad ah oo xanuunka COVID19 uu dalkaasi ku soo rito.

Gobolka New South Weles ee dalkaasi ayaana ah ubucda uu ka dillaacday faraca cusub ee Delta, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

In ka badan kala bar dadka Australia ayaa toddobaadyo ku jira xayiraad muddo dheer qaadatay oo ay ku soo rogeen mas’uuliyiinta Sydney iyo Melbourne oo ah magaalooyinka ugu dadka badan dalkaasi iyo caasimadda Canberra kuwaasi oo dagaal ugu jira sidii ay u yareyn lahaayeen Aafada COVID19.

Tirada 1,126-ka kiis ayaa ka badan tii maalintii la soo dhaafay la diiwaangaliyay oo aheyd 1,035 kiis.

Kor u kaca xanuunka ee Australia ayaa soo billowday bishii June ee la soo dhaafay iyadoo dalkaasi billowgii masiibadu u muuqday mid si weyn ula tacaalay marka loo eego dunida inteeda kale.

Kadib daahitaan ku yimid tallaalka Pfizer iyo dadka reer Australia oo ka caga jiidayay inay qaataan tallaalka kale ee AstraZeneca oo xilli hore dalkaasi gaaray ayaa la sheegay in ay keeneen sare ku kaca fayrusk-ka.

Xigasho: VOA Somaali News.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post