984 Views

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed oo bilaabatey

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed oo bilaabatey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Goordhow ka bilaabatey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen,iyada oo ao codeynayaan Xildhibaannada labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

 

ilaa Shan musharax ayaa u taagan u tartamida guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen,waxaana musharixiinta ka mid ah laba haween ah oo u tartamaya Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo labaad.

 

Munaasabadda doorashada oo haatan ka socda Xarunta Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan  93 Xildhibaan labada ka maqan fadhiga ayaa la sheegay in mid aan weli la dhaarin halka midka kale uu fasax ku maqan yahaysidoo kale waxaa ku sugan ,Musharixiinta iyo Xubno ka socda Dowladda Soomaaliya oo korjoogto ka ah doorashada.

 

Hoos Ka Akhriso Magacyada Musharixiinta Maanta ku tartamaya xilalka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

 

1: Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

 

2: Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo doonaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

1: Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed oo u taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

 

2: Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u tartami doona xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

 

1: Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment