1356 Views

Madaxweyne Waare Oo Baaq U Diray Madaxda M/Goboleedyada Dalka

Madaxweyne Waare Oo Baaq U Diray Madaxda M/Goboleedyada Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  24, 2019 –Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay arrimo ku aadan  Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Maxamed Cabdi Waare oo Wareysi siiyay Warbaahinta Dalsan isaga oo safar Shaqo ugu maqan dalka dibadiisa gaar ahaan Jarmalka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan inay wada shaqeyaan maamulada dalka ka jira iyo dowladda Dhexe ,isla markaana la dhameystiro Dasuurka qabyadaha ah ee Dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso Maxkamad Dastuuri ah si loo ogaado daqliga maamulada soo laga iyo kan soo gala dowladda,loona qeybsado Kheyraadka dalka ,isagoona xusay hadii intaas la sameeyo hormar wangaasan la gaarayo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Madaxda maamul Goboleedyada dalka ugu baaqay inay si daacad ah u la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya wixii dhib jirana lagu dhameeyo Wadahadal si looga baxo is qab-qabsi markasto yimaada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment