2004 Views

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay dhacdadii maalin kahor ka dhacday koontoroolka ciidanka NISA

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay dhacdadii maalin kahor ka dhacday koontoroolka ciidanka NISA
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2018 – Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo shalay galabnimadii abbaarahihii 5: 30 Galabnimo  ee taariikh 23-May ka dhacay barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM 0 ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taasoo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool.

Wasaaradda Amniga waxay caddeyneysaa in ay billowday baaritaan dhacdadaas la xiriir.

Ciidamada amniga waxa ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

Ciidamadu waxay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowlada, isla markaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah.

Wasaaradda Amniga waxay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqeysaa dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment