972 Views

Wararkii ugu dambeeyay Liiska Xildhibaanada Galmudug oo lagu dhawaaqayo

Wararkii ugu dambeeyay Liiska Xildhibaanada Galmudug oo lagu dhawaaqayo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 04, 2020—Liiska Xildhibaanada 69ka ah  ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo ka dib markii ay soo gudbiyeen Odayaasha Saxiixayaasha ah iyadoona Arintaasi Guddiga Farsamada Maamul u samaynta Galmudug uu ku howlan yahay.

Shalay ayaa la Aqbalay soo gudbinta 20ka Xildhibaan ee Ahlusunna soo gudbisay isu gaynta Labada Qaybood ayaana Wadarta Guud ka dhigaysay 89 Mudane.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xildhibaanada lagu dhawaaqi doono Saacaddaha soo socda.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa Risaala u xaqiijiyay in ay gudbiyeen Liiska,islamarkaana Guddiga uu ku howlanaa Saacaddihii ugu dambeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment