1356 Views

Daalibaan oo ka mamnuucday goobaha lagu jarto timaha in dadka ay garka u gaabiyaan ama ay ka xiiraan

Daalibaan oo  ka mamnuucday goobaha lagu jarto timaha in dadka ay garka u gaabiyaan ama ay ka xiiraan
____________________________________________________________________________

.

Isniin: September 27, 2021

Kooxda Daalibaan ayaa ka mamnuucday goobaha lagu jarto timaha ee gobolka Helmand in dadka ay garka u gaabiyaan ama ay ka xiiraan.

Waxay sheegeen in tallaabadan ay kasoo horjeedo shareecada Islaamka.

Booliska Afghanistan waxay sheegeen in qof kasta oo jebiyay xeerkan mamnuucaya gar xiiridda tallaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale xarumaha timaha lagu jarto ee ku yaalla caasimadda Kabul waxay dhankooda sheegeen in amarradan lasoo gaarsiiyay si ay u dhaqangeliyaan.

Amarradan waxay muujinayaan in kooxda ay dib usoo celisay xeerarkii adkaa xilliggii hore ay awoodda hayeen inkasta oo markii ay dhawaan qabsadeen Afghanistan ay sheegeen in xeerar dabacsan ay ku dhawaaqi doonaan marka ay xukuumadda soo dhisaan.

Tan iyo markii ay talada qabteen bishii lasoo dhaafay, Daalibaan waxay fuliyeen tallaabooyin adag oo ka dhan ah dadka kasoo horjeeda.

Sabtidii kooxda ayaa afar meydad ah kasoo laalaadiyay goob fagaare ah oo ku taalla gobolka Herat kuwaas ay sheegeen inay ahaayeen dad ay dileen oo lagu soo eedeeyay falal afduub ah.

Boorar ay ku gudbinayaan amarradan oo ay kooxda ku dhajiyeen goobaha timaha lagu jarto ee gobolka Helmand, waxay digniin ugu direen timojarayaasha oo ay fareen inay u hoggaansamaan xeerarka shareecada Islaamka ee qeexaya timo jarista iyo garkaba.

“Ma jiri karto qof arrintan ka caban karo” ayaa ku qoran farriinta kooxda, sida ay BBC aragtayba.

“Dagaalyahanada ayaa mar kasta inoo imaanaya, waxay inagu amrayaan in aan joojinno in dadka aan u gaabinno garka” ayuu yiri nin kamid ah dadka leh goobaha timaha lagu jarto ee Afghanistan.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Mid kamid ah dagaalyahanada wuxuu inoo sheegay inay inoo soo diri doonaan kooxo qarsoon oo dhaqangalka tallaabadan dusha kala socda”

Nin kale oo kamid ah dadka leh goobaha waaweyn ee timaha lagu jarto Afghanistan ayaa sheegay in uu soo wacay qof isku sheegayo in dowladda uu ka tirsan yahay oo ku amray in uu ‘joojiyo qaababka ay timaha u jartaan Mareykanka ama in uu joojiyo gar xiriidda’

Markii ugu horreysay Daalibaan ay la wareegeen awoodda Afghanistan laga bilaabo 1996 ilaa 2001, waxay kooxda mamnuuceen in timaha qaabab kala duwan loo jarto, waxayna adkeeyeen in taalloobooyin ay kamid tahay in dadka aysan iska xiirin garka.

Wixii xilliggaas ka dambeeyay, dad badan waxay bilaabeen in garka ay iska xiiraan halka shacab badan oo Afghanistiyiin ah ay doordibeen in timaha ay u jartaan qaabab kale oo casri ah.

Timojarayaal ku sugan Afghanistan oo aanan magacooda la sheegin sababo amni dartood ayaa sheegayaa in tallaabadan ay saameyn doonto noloshooda.

“Sanado badan goobteyda timo-jaraha ah waxaa imaan jiray dhalinyaro badan oo sida ay rabaan timahooda u jaran jiray, marka ma jirto siyaabo kale oo aan ku wadi karo ganacsigan” ayuu BBC u sheegay mid kamid ah dadka leh goobaha timaha lagu jaro ee Afghanistan.

“Goobaha timaha lagu jarto iyo ama kuwa laisku qurxiyo waxay noqonayaan ganacsi mamnuuc ah, muddo 15 sana ah ayaan kusoo dhex jiray, ma filayo in aan sii wadi doono”

Nin kale oo goob timaha lagu jarto ku leh magaalada galbeedka dhacda ee Herat ayaa sheegay in uusan soo gaarin wax digniin oo ku saabsan arrintani balse uu joojiyay adeegyada la xiriira gar xiiridda.

“Macaamiisha garkooda ma xiirtaan sababta oo ah ma doonayaan in dagaalyahanada Daalibaan ay waddooyinka ku beegsadaan”

BBC Somali

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post