624 Views

Kooxda Chelsea oo xalay kooxda Villareal ka qaaday koobka Uefa Super Cup

Kooxda Chelsea oo xalay kooxda  Villareal ka qaaday koobka  Uefa Super Cup
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 12, 2021

Chelsea ayaa kooxda Villareal 6-5 kaga adkaatay kaddib marki labada kooxood loo dhigay regoore, taasoo Chelsea u suuragelisay iney marki labaad qaaddo koobka Uefa Super Cup.

Ciyaarta Chelsea iyo Villareal dhexmartay oo 120 daqiiqo socotay waxay labada kooxood isla dhaafi waayeen barbar dhac 1-1 ah.

Goolhayaha kooxda Chelsea ee la beddelay Kepa Arrizabalaga ayaa badbaadiyey regoore uu soo laagay Raul Albio. Ciyaartaasi xamaasaddeedu sarreysay oo ka dhacday garoonka Windsor Park iyada oo labada kooxoodna ay qab ciyaareed aad u fiican ay halkaasi ku soo bandhigeen.

Hakim Ziyech ayaa daahfuray gool dhalinta ciyaartu marki ay mareysay 45 daqiiqo balse Hakim wuxuu ku qasbanaaday inuu ciyaarta ka baxo kaddib marki uu qaybti hore ee ciyaarta dhaawac garabka ka soo gaaray uu la ciyaari waayey..

Ciyaartoyda reer Spain ayey birta goolka ka soo celisay nasashada ka hor inta uusan Gerard Moreno bar bareeyn daqiiqadda 73-aad taasoo keentay ciyaarta wakhti dheeri ah in lagu daro.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tirsan marka laga eego dhinaca weerarada iyo fursadaha ay labada kooxood abuurayeen laakiin chelsea ayaa ahayd kooxda ku fiican dhinaca kubad hasashada iyaga oo kubada ka haystay kooxda Villarreal.

Dhanka kale kooxda Villarreal ayaa adeegsanaysay kubad weeraro rogaal celis ah xilli ay adeegsanayeen xiddigaha weerarka uga ciyaara kuwaas oo halis galinayay daafaca chelsea marka ay kubadda helaan.

Kooxda Chelsea ayaa daqiiqadii 27-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Hakim Ziyech kaas oo gool u badalay baas uu ka helay xiddiga kai Havertz kadib kubad rogaal celis ah oo ay qaadeen.

Villarreal ayaa isku dayday iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta xilli ay Chelsea difaac u gashay isla markaasna doonaysay inay ciyaarto weerarro rogaal celis ah oo ay Villarreal ka dhaliyaan goolal kale xilli ay ku mashquulsanyihiin raadinta goolka bar-barraha.

Laakiin Kooxda Villarreal oo uu isku dheeli tirnaa difaaceeda iyo weerarkeedu ayaa cadaadis xoogan saartay kooxda chelsea kuwaas oo difaac galay si ay u difaacdaan goolka.

Goolhaye Kepa waxaa kursiga keydka ka soo qaaday tababaraha Chelsea Thomas Tuchel daqiiqado waxyar ka hor dhammaadkii waqtiga dheeriga ahaa wuxuuna hoos ugu soo degay midigtiisa si uu uga badbaadiyo Albiol taasoo keentay dabbaaldegga ciyaartoyda iyo taageerayaasha Chelsea.

Dhaawaca soo gaaray kabtanka Chelsea ayaa u muuqdo inuu yahay mid culus dhaawacaasi oo keenay ciyaarta marki ay mareysay daqiiqadda 45 inuu ciyaarta ka baxo lana arkayey isaga oo ciyaartooy kale uu garabka hayo.

90-kii daqiiqo ee ciyaarta marki ay dhammaatay waxay taa keentay in ciyaarta lagu daro 30 daqiiqo si ay labada kooxood u kala baxaan loona dhaliyo gool kale.

Laakiin labada kooxood ayaa sidoo kale ku kala bixi waayay 30-kii daqiiqo ee lagu daray ciyaarta waxana garsooruhu go’aamiyay rikoodhayaal si ay labada kooxood u kala badiyaan midkoodna loo siiyo koobka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda chelsea rikoodhayaal ku qaaday koobka UEFA Super Cup kadib markii ay ku qaaday rikoodhayaal 6/5 ah.

Chelsea oo u muuqata iney dhammeystiri doonto heshiiska ay dib ula saxiixaneyso weeraryahan Romelu Lukaku oo ay kaga soo qaadaneyso Inter Milan lacag dhan 97.5 malyan oo gini ayaa ku guul darreysatay awooddeeda iney qaybt hore ee wakhtiga dheeriga dib u soo ceshato.

Ciyaartaasi oo ahayd tii ugu horreysay ee Super Cup-ka o lagu ciyaaro waqooyiga Ireland oo 13,000 oo taageerayaal ah oo jawi cajiib ah garoonka ka abuuray ay ka soo qaybgalaan tani iyo marki uu dillacay cudurka safmarka ee Covid-19.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post