2667 Views

Xal laga gaaray khilaafkii arrimaha Xajka

Xal laga gaaray khilaafkii arrimaha Xajka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 25, 2018 – Khilaafka arrimaha Xajka ayaa markii hore waxa uu ka dhashay Diyaarado la doonayay in lagu kordhiyo dadka Xajka Diyaaradaha u qaadaya oo marka hore gaarayay ilaa Laba Diyaaradadood.

Qorshaha ayaa ahaa in lagu kordhiyo ilaa Saddex Diyaaradood oo la gaarsiiyo ilaa Shan Diyaaradood, qorshahaasi oo ay waday dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xal laga gaaray nooca ay noqonayaan Diyaaradaha dadka qaadaya iyo sida la doonayo in dhawaan ay ku bilowdaan duulimaadyada la xiriira arrimaha Xajka, si dadka Soomaaliyeed loo geeyo dalka boqorooyada Sacuudi Carabiya, si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda federalka Soomaaliya ee ku sugna dalka Sacuudiga ayaa sheegay in xal laga gaaray arrimahan, lana filayo in la soo saaro war-murtiyeed ka hadlaya waxyaabaha lagu heshiiyay.

Wararka hordhaca ah ee aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaaradaha ay noqonayaan ilaa Shan Diyaaradood oo kala ah Jubba, Daallo, African Express, Ocean iyo Freedom Express.

Masuuliyiin ka tirsan Saddexda diyaaradood ee lagu soo kordhiyay qaadida xujeyda Soomaaliyeed oo aan la hadalnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in lagu heshiiyay si is afgarad ah, oo wax walbana la dhameeyay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarada Sacuudi Airline ay markii ugu horeysay ku biiri doonto daabulida xujeyda Soomaaliyeed, waxaana la sheegay inay ka qaadi doonto magaalooyinka Jabuuti iyo Nairobi.

Arinta kale ee weli sida rasmiga ah aanan loo shaacin ayaa ah dhaqaalaha lagu qaadayo xujeyda Soomaaliyeed, dowladda waxay horey u sheegtay in shaqsi kasta oo xajinaya laga qaadi doono 3,300$, warar kale oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Shirkadaha ay doonayaan in qof walba lagu qaado 3,900$.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment