549 Views

Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan

Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Allaha u naxariiste waxaa xalay  degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeysay deganaa degmada Wadajir waxaana wararka sheegayaan in kooxo hubeysan ay dileen xilli uu ka soo baxay salaadda Cishe.

Ciidamada Ammaanka oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post