1200 Views

rka SAWIRO:-Puntland oo soo bandhigtay Ciidamo ka goostay Somaliland

rka SAWIRO:-Puntland oo soo bandhigtay Ciidamo ka goostay Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October13—2019 —Maamulka puntland ayaa sheegay in saakay waaberigii hore ay kusoo biireen Ciidamo ka tirsanaa Soomaaliland,kuwaas oo ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Warbaahinta Maamulka puntland ayaa soo bandhigtay sawirada Ciidamo ay sheegeen inay ahaayeen guutadii 93-aad ee ciidanka Somaliland  kuna soo biireen  dhinaca Puntland.

Ciidamadaan ayaa sida la sheegay waxaa ay ka howlgelayeen deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag,isla markaana uu hoggaamineyey Gaashaanle Mustafe Siciid Toor oo taliye u ahaa ciidanka Somaliland ee degaankaasi ku sugan.

Sidoo kale Ciidamadaan kasoo goostay Soomaaliland ee ku biiray Puntland ayaa waxaa soo dhaweeyey maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan,kuwaas oo horay Puntland ugu soo biiray.

 

Soomaaliland weli kama hadlin Warkaan kasoo baxay Puntland iyo ciidamadan ay soo bandhigeen oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Soomaaliland balse ay kusoo biireen Puntland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment