423 Views

DFS oo ka hadashay duqeyn uu Mareykanka ka geystay deegaanka Wabxo

DFS oo ka hadashay duqeyn uu Mareykanka ka geystay deegaanka Wabxo
____________________________________________________________________________


Axad March 13, 2022

Mid ka mid Diyaaradaha Mareykanka kuwooda aan duuliyaha laheyn waxaa ay xalay duqeyn ka geysatay deegaanka Hareeri-gubaddle oo qiyaastii 20KM dhinaca bari kaga beegan deegaanka Wabxo ee gobalka Galgaduud, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaa shanaya Saaxiibadooda Caalamka in ay ku guuleeysteen inay duqeeyn dhinaca cirka ku burburiyeen xarumo maleeshiyada Al-shabaab ku lahaayen deegaanka Hareeri-gubaddle oo qiyaastii 20KM dhinaca bari kaga beegan deegaanka Wabxo ee gobalka Galgaduud.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda, Duqeynta oo dhacday 17 fiidnimo ee xalay ayaa lagu dilay Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan  Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Hareeri-gubaddle markii uu weerarka dhinaca cirka ah dhacayay.

Duqeynta oo dhacday 17 fiidnimo ee xalay ayaa la sheegay in lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab , oo halkaasi ku sugnaa marka uu weerarka dhinaca cirka ah dhacayay,sidoo kalena la burburiyay xarumihii kooxdu ku laheyd deegaanka Hareeri-gubadle ee gobalkaasi Galgaduud.

Dhankooda iyaguna wax war kama aysan soo saarin dagaalamayaasha Al-shabaab sheegashada dowladda ee ku aadan howlgalka lagu dilay xubno ka tirsan iyaga iyo haddii ay jirto khasaaro kasoo gaaray weerarka Cirka ee duqeynta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post