4347 Views

Madaxweynaha oo ka qeybgalay aaska Dr Liibaan iyo garyaqaan C/qaadir

Madaxweynaha oo ka qeybgalay aaska Dr Liibaan iyo garyaqaan C/qaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 08 October 2015 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayeen ku simaha Ra’iisul wasaaraha mudane Maxamed Cumar Carte inta badan xubnaha golaha wasiirada iyo ma’s’uuliyiin kale ayaa maanta salaada Janaasada kula tukadeen masjidka madxtooyada Dr Liibaan Cismaan Cilmi iyo garyaqaan C/qaadir Maxamuud Yabarow oo shalay dhagarqabayaal ku dileen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo ku simaha Ra’ii sul wasaaraha ayaa ehelada labada marxuum kala qeyb qaatay xabaalidda meydadka oo lagu aasay qubuuraha Sheekh Suufi ee degmada Warta nabada.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo aaska ka dib la hadlay  warbaahinta qaranka ayaa tacsi u diray ehelada Dr-kii iyo garyaqaankii shalay la dilay, wuxuuna sheegay in hay’adaha amniga ay ku raadjoogaan dhagarqabayaashii ka dambeeyay dilkaasi.

Dilkii shalay magaalada Muqdisho loogu geystay Dr Liibaan Cismaan Cilmi iyo garyaqaan C/qaadir Maxamuud Yabarow ayaa qeyb ka ah dilalka Kooxaha nabad diidka ay u geystaan dadka waxgalka u ah bulshada Soomaaliyeed.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment