774 Views

Wararkii ugu dambeeyay Markabkii ay qabsatay Iran

Wararkii ugu dambeeyay Markabkii ay qabsatay Iran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 20, 2019 —Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, Jeremy Hunt ayaa sheegay Cawaaqib xun ay ka dhalan doona haddii Iiraan aanay sii dayn markabka ku safrayay calanka Britain ee ay ku qabsatay Gacanka.

 

Milkiilayaasha markabka Stena Impero, ayaa sheegay in aanay u suuragelin inay markabka la xiriiraan haatanna “uu ku sii socdo dhinaca waqooyi ee Iiraan”.

 

Waxa ay sheegeen in 23 qof ay markabka saarnaayeen ay marinka Hormuz ku soo hujuumeen “koox aanan la garanayn oo doonyo watay diyaar qumaati u kacdana ay wehlinaysay”.

 

Waxaa isku gadaamay afar doonyood iyo diyaarad qumaati u kacda, Mr Hunt ayaa sidaasi sheegay.

 

Markab labaad oo Britain laga leeyahay balse ku safrayay calanka Liberia ayaa waxaa fuulay ilaalo hubaysan hasayeeshee haatan waa la sii daayay oo safarkiisii ayuu sii wataa.

 

Bar internet-ka oo la socota dhaqdhaqaaqa badda ayaa sidoo kale waxa uu ku warramayaa in markab kale oo nooca saliidda qaada ah oo xiriir la leh UK uu u weecday dhinacaas iyo Iiraan.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ay ka warqabto wararka sheegaya in markab labaad oo lagu magacaabo MV Mesdar oo ku safrayay calanka dalka Liberia balse Britain laga leeyahay.

 

Wakaaladda wararka ee Tasnim oo soo xigatay Hay’adda Dekedaha iyo Badda ee Iiraan ayaa sheegay: “Waxaa ina soo gaaray warar sheegaya in markab shidaal qaada oo Britain ay leedahay oo lagu magacaabo Stena Impero uu dhibaato sababayo.

 

“Waxaannu ciidammada miltariga waydiisannay in markabkan ay geeyaan dekadda Bandar Abbas si halkaas loogu sameeyo baaritaanka loo baahan yahay.”

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment