927 Views

Weerar lagu dilay Askar oo ka dhacay Afghanistan

Weerar lagu dilay Askar oo ka dhacay Afghanistan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 1, 2020-ugu yaraan seddex xubnood oo katirsan ciidamada dowlada Afghanistan ayaa ladilay kadib markii dagaalyahanada Taalibaan ay weerar adag ku qaadeen saldhig militari oo kuyaala bariga magaalada Gardez, Sida ay sheegay wakaalada wararka ee AP.

Abdul Rahman Mangal, oo ah afhayeenka maamulka gobolka Paktia, ayaa sheegay in ugu yaraan sedex sargaaal ay kudhinteen, shan sarkaal oo kale lagu dhaawacay weerarka, isaga oo intaa ku daray in ciidamada amaanka ay dileen labada nin oo weerarkaasi kusoo qaaday caasimada gobolka.

Mangal wuxuu intaas ku daray in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu bartilmaameedsaday iridda laga soo galo xarunta ee Gardez, ka dibna laba nin oo hubaysan ay bilaabeen inay toogtaan ciidamada ilaalada dadweynaha.

Afhayeen u hadlay UrurkaTaliban, Zabihullah Mujahid, ayaa ku dhawaaqay, sheegashada kooxda ee masuuliyadda weerarka.

“Askar reer Afghanistan ah ayaa lagu dilay weerarkii Taliban ay ku qaadday xerada militariga Paktia” ayaa uu yiri.

Weerarka ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani uu magacaabay gole 46 xubnood ka kooban oo dib-u-heshiisiinta qaran, kaasi oo leh go’aanka ugu dambeeya ee ku saabsan in dowladdu ay heshiis nabadeed la saxiixato Kooxda Taalibaan.

Dowladda Afghanistan ayaa Bilo Kahor Ku Dhawaaqday, in ay Albaabada ufuri doonto Kooxda Taalibaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post