1518 Views

Wargeyska Foreign Policy oo wax ka qora siyaasadda Arrimaha dibedda

Wargeyska Foreign Policy oo wax ka qora siyaasadda Arrimaha dibedda
____________________________________________________________________________

Isniin: July 12, 2021

Wargeyska Caalamiga ah ee Foreign Policy oo wax ka qora siyaasadda Arrimaha dibedda ee dalalka Adduunka, ayaa baahiyey warbixin dheer oo Weriye wax ka qorta Siyaasadda Arrimaha dibeddu ay kaga faallootay dedaallada Ictiraaf-raadineed ee Somaliland.

Lynsey Chutel oo ah haweenay Weriye ah oo wax ka qorta siyaasadda Arrimaha dibedda, fadhigeeduna yahay Magaalada Johannesburg ee Caasimadda dalka Koonfur Afrika, ayaa maqaal dheer oo ay ku baahisay Wargeyska Foreign Policy, waxay ku sheegtay in Somaliland muddo 30 sanadood ah dunida ugu baaqaysay inay Ictiraafaan Madax-banaanideeda, iyadoo soo bandhigaysa waxqabadyo ay ka mid yihiin doorashooyin tilmaan u ah hanaanka dimuqraadiyadeed ee ay hirgelisay.

“Muddo 30 sano ah, Somaliland waxay ku baaqeysay madax-bannaanideeda, iyadoo ah sida Qaran Madax-banaan,” ayay sheegtay Lynsey Chutel, waxayna intaa ku dartay in xilli Soomaaliya waajahday dhibaato dimuqraadiyadeed la’aan, halka ay Somaliland soo bandhigtay waxqabad muhiim ah, kaasi oo ah ballaadhinta Dekedda Berbera oo ku taalla meel istaraatiiji ah “Hadda, iyadoo Soomaaliya ay waajahday dhibaatooyinkii Dimuqraadiyad la’aaneed, Somaliland waxay soo bandhigtay Qaybta Koontiinnarrada ee Dekedda Berbera oo ku taalla meel istaraatiiji ah.”

Waxay Warbixintu sheegtay in Somaliland u aragto Doorashooyinka ay qabatay ee Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka wax Beesha Caalamka u muujin kara awooddeeda dhaqaale isla-markaana ay mudan tahay in Beesha Caalamku ictiraafto.

https://e0d5098d923ce655142eb5054213cdf8.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Good oo Warbixinta uu Wargeysku qoray lagu soo qaatay ayaa sheegay in Somaliland aanay halkii loo baahnaa gaadhin, balse ay aamisan tahay inay jidkii saxda ahaa hayso “Ma lihin waanu wada wanaagsan nahay, balse waxaanu leenahay waxaan ku soconaa waddada saxda ah,” ayuu yidhi Bashiir Goth, waxaanu intaa ku daray in doorashadu hawlaha Somaliland qabatay ay qayb uun ka tahay, balse ay jiraan meelo kale oo ay Somaliland wax fiican ka qabatay “Doorashadu waa hal shay, laakiin waxaa jira meelo aanu si fiican uga shaqaynay, sida Amniga iyo waxyaabo kale, sidaasi darteed waxaanu rajeyneynaa inaanu Beesha Caalamka ka helo Aqoonsi, Waayo? markaa waxaanu awood u yeelan doonaa inaan noqono xubin wanaagsan oo ka tirsan bulshada caalamka..”

Wargeyska ayaa sidoo kale ka hadlay waxa Aqoonsi raadinta Somaliland uu yeeli karo Aragtida Dalalka Midowga Afrika qaarkood qabaan ee ah haddii Somaliland la aqoonsado inay jiri karaan dalal Afrikaan ah oo Gobollo ka mid ahi Madax-banaani dalban karaan.

“Sannadkii 1991-kii, hoggaamiyeyaashii Somaliland waxay go’aansadeen inay Madax-banaanidooda kala baxaan Soomaaliya, waxayna samaysteen siyaasad leh dhammaan astaamaha dawladnimo, lacag, baasaboor, iyo Madaxweyne u gaar ah. Waxay leedahay maalin qaran oo sannad kasta loo dabbaal-dego go’aankii Gooni isku taagga..” ayuu sheegay Wargeysku, waxaanu intaa ku daray in Aqoonsi Somaliland hesho ay dib u dhigayaan Dawladaha reer Galbeedka qaarkood.

Warbixinta uu Wargeysku daabacay oo sii socota, ayaa intaa ku dartay in Somaliland sii waddo dedaalkeeda Ictiraaf-raadinta, laakiin dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo kuwo kale ee Reer Galbeedku ay arrinta Somaliland dib u dhigayaan, Midowga Afrikana aanu go’aan ka gaadhin.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post