2349 Views

Kenya oo sheegatay in ay dishay 24 xubnood oo Shabaab ah

Kenya oo sheegatay in ay dishay 24 xubnood oo Shabaab ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 27 2018 —Dowladda Kenya Shaacisay in ay dishay 24 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib dagaal Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya ku dhexmaray degaanka lagu Magacaabo  Qooqaani  oo ka tirsan degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda hoose

War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa lagu sheegay in dagaal socday ku dhawaad 30 daqiiqo ka dib ay dileen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee ku sugnaa degaankaasi.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shabaab ay ka  furteen 24 Qori oo AK47 ah, Qori PKM ah iyo tiro rasaas ah oo aysan sheegin tiradooda.

Waxaa ay intaas ku dareen in Al-shabab ay damacsanaayeen in ay weerarkaas ku laaayaan Askarta Kenya laakiin laga hortagay.

Dowladda Kenya ayaa xustay in dagaalkaasi ay kaga dhaawacmeen 3 Askari oo ka mid ah Ciidanka Difaaca Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment