1182 Views

Kheyre oo ku dhaawaqaya Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug

Kheyre oo ku dhaawaqaya Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 06, 2019—Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqi doono Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug si ay u dardargaliyaan howlaha loo igmaday ee Galmudug.

 

Waxaa uu sheegay in Guddiga dib u heshiisiinta ay ku xigi doonaan Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug, islamarkaana ay go’an tahay dhismaha Galmudug Mideysan.

 

Kheyre ayaa xusay in Guddiggan ay yihiin kuwo muhiim ah oo qeyb qaadan doona dhammaan in dib u heshiisiin laga sameeyo degaanada maamulka Galmudug si loo dhameeyo Khilaafka Galmudug.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu waddaa in uu taggo Magaalooyin ka mid gobolka Mudug, waxaa sidoo kale wali waxba laga qaban tabashadda qaar ka mid ah beelaha maamulka Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment