1263 Views

Dabeylaha xoogan oo shaqo la’aanta dhigay kalluumeystada Berbera

Dabeylaha xoogan oo shaqo la’aanta dhigay kalluumeystada Berbera
____________________________________________________________________________

Talaado: july 27 2021

Kalluumeysatada magaalada Berbera ayaa sheegay iney camal la’aan la soo deristay kaddib marki ay badda ku dhufteen dabeylo saameeyey howlahooda kalluumeysiga.

Dabeylahan oo badanaa bilaha lixaad iyo toddobaad ku dhufta Berbera ayaa lagu soo warramayaa inay yihiin kuwa aad u xooggan.

Bisha Toddobaad laash ay kalluumeysatadu lahayd oo badda ku ambadayna waxa ku dhintay hal qof iyada oo qaar kalana la soo badbaadiyey.

Haddaba maamulaha kalluumeysatada Berbera Ismaaciil Cabdi Xirsi (Saar Saar) ayaa BBC uga warramay saameynta dabeylahaasi ku yeesheen kalluumeysatada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post