1500 Views

Wasiir Dubbe oo Weerar ku qaaday Cali Yare Cali kuna tilmaamay jaahil aan han lahayn

Wasiir Dubbe oo Weerar ku qaaday Cali Yare Cali kuna tilmaamay jaahil aan han lahayn
____________________________________________________________________________

Talaado: January 4, 2022

Wasiirka Warfaafinta Duube ayaa Weerar afka ah ku qaaday Gudoomiye ku-xigeenka Ammniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Cali yare Cali.

Wasiir Dubbe ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray Erayo uu ku shegay in  Cali yare uu yahay Jaahil aan waxba baran Hansiyaasadeedna aan lahayn

Qoraalka ayaa u qorna sidaan.

Cali Yare Cali waa saaxiibkay kumana fogaan karo balse runta waan ka sheegi karaa

Nin aqoon leh ma ahan

Dhaqan iyo Akhlaaq nimay kaa celinayso ma ahan

Nin sadaali kara siyaadda ma ahan

Nin han leh ma ahan

Nin isku kalsoon ma ahan

Nin tashan kara ama tala qaatana ma ahan.

Sidoo kale Cali yare ayaan ka jawaabin Qoraalkan , waxa uuna ku tilmaamay Wasiirka warfaafinta ninkaas in uu yahay ku shubo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post