744 Views

Ciidamada Ruushka oo weerarro isdaba joog ah ku qaaday Ukraine kana weeraray dhanka Dalka dhulka Belarus

Ciidamada Ruushka oo  weerarro isdaba joog ah ku qaaday Ukraine kana weeraray  dhanka Dalka  dhulka Belarus
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday Ukraine, kuwaas oo intooda badan ka imaanaya dhanka dhulka Belarus, waxaana meelaha la beegsaday ka mid ah dhismeyaal iyo saldhigyo militari.

Waana markii ugu horreysay uu Ruushka kasoo duqeeyo Ukraine isaga oo adeegsanadaya hawada Belarus, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Ukraine.

Barasaabka gobolka Chernihiv ayaa ku tilmaamay duqeymaha ka dhacay tuulada Desna kuwo aad u xooggan.

Dagaalada ayaa sidoo kale ka socda Bariga Ukraine, halkaas oo Ruushku uu isku dayayo in uu ku hareereeyo magaalada Lysychansk.

Dhinaca kale, ciidamada Ukraine ayaa lagu amray inay isaga baxaan magaalada Severodonetsk,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gobolka.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay magaalada waxaa ka dhacay duqeymo dhowr ah xilli ciidamada ay isku dayayaan inay qabsadaan bariga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post