555 Views

waddanka Mareykanka oo su’aal ka keenay diyaaradaha drones-ka ee uu Turkigu ka iibinayo waddanka Itoobiya

waddanka Mareykanka oo  su’aal ka keenay diyaaradaha drones-ka ee uu Turkigu ka iibinayo waddanka Itoobiya
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 23, 2021

Mas’uuliyiinta waddanka Mareykanka ayaa su’aal ka keenay diyaaradaha drones-ka ee uu Turkigu ka iibinayo waddanka Itoobiya, iyadoo laba ilo-wareed oo arrinta la socday ay sheegeen inay jiraan caddaymo muujinaya in dowladda ay hubkaasi u adeegsatay la dagaalanka fallaagada Tigreega.

Washington waxa ay “aad uga walaacsan tahay dhibaatada bini’aadamnimo” ee ka dhalan karta hubkaas uu Turkigu iibiyay, taas oo jabin karta xayiraadaha Addis Ababa uu Mareykanku hubka ka saaray”, sarkaal sare oo reer Galbeed ah ayaa sidaasi sheegay.

Dagaalka muddada sanadka ka badan u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo hoggaanka fallaagada Tigray, ayaa lagu tirinayaa in dad badani ku dhinteen, halkaas oo kumannaan qof oo rayid ah uu dagaalku galaaftay halka malaayiin qofna ay guryahoodii ka barakaceen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in Ergayga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman, uu “soo hadal qaaday wararka sheegaya in diyaaradaha drones-ka oo hubaysan lagu isticmaalay Itoobiya taasna ay sababi karto waxyeelo soo gaarta dadka rayidka ah.”

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington sida aanay arrintaas ugu qanacsanayn ku soo gudbisay dhowr shir, halka wakaaladdu ay sheegtay in milateriga Itoobiya iyo dowladduba aanay ka soo jawaabin codsi ah inay arrintaas dhankooda ka jawaabaan.

“Mareyanka wuu na soo gaarsiiyay sida uusan ugu qanacsanayn diyaaradaha drones-ka ee uu Turkigu iibinayo… hasayeeshee Turkiga waxa uu ku taagnaan doonaa siyaasadaha uu arrimahaas ka degsaday,” ayuu qofkaasi u sheegay Reuters.

Turkiga oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka iibiya dhowr dal oo ku kala yaal qaaradaha Yurub, Afrika iyo Aasiya, ayaa gaashaanka u daruuray dhaleecaynta ah in dalkaas uu xasillooni darro ka abuurayo Afrika, waxaanay dowladdu sheegtay inay xiriir la samaysay dhammaan dhinacyada ay u dhaxayso colaadda Itoobiya si ay ugu booriyaan inay wadahadlaan.

Turkiga ma faragelinayo arrimaha gudaha ee dalalka kale

Todobaadkii la soo dhaafay Qaramada Midoobay ayaa isku raacday in la sameeyo guddi madax-bannaan oo baara xadgudubyada xuquuqda bini’aadamka ee Itoobiya ka dhacay, arrintaas oo ay si xooggan uga soo horjeeddo dowladda.

Fallaagada Tigray ayaa Isniintii sheegay inay isaga baxayaan qeyb ka mid ah gobollada waqooyi kaddib markii dowladda ay horumar ka samaysay dagaalka.

Bishii Sibteembar, Aqalka Cad ee loogaga taliyo waddanka Mareykanka ayaa waxa uu meelmariyay in cunaqabatayn la saaro dadka ku lugta leh siyaasadaha lagu khalkhalgalinayo daganaanshiyaha, colaadda sii hurinaya ama hor istaagaya gargaarka bini’aadamnimo, walow uusan muuqan wax tallaaba ah oo si degdeg ah loogaga qaadayo waddanka Turkiga.

Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga, ayaa sheegay in Ankara aanay ku hamiyayn inay farageliso arrimaha gudaha ee dal ku yaal caalamka.

Qalabka difaaca ee Turkiga uu ka iibinayo waddakna Itoobiya ayaa sare ugu kacay ku dhawaad $95 milyan oo doolar 11-kii bilood ee aynu ka soo gudubnay ee sanadkan 2021, halka sanadkii hore aysanba waxba ka iibin, marka la eego xogta ku xusan Exporters’ Assembly data.

Diyaaradaha Drones-ka ee dagaalka ku jira

Ciidammada dowladda Itoobiya oo ay wakaaladda wararka ee Reuters ku wareysatay meel u dhaw Gashena, oo ah magaalo ku taal buur dhinaceed ee jiidda hore ee dagaalka, ayaa sheegay in guulaha dhawaan ay dowladda ka gaartay dagaalka ay ku yimaadeen taakulo isdaba joog ah iyo isticmaalka diyaaradaha duuliyaha lahayn iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada Tigray.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tabinaysa in weriyayaasheeda ay soo arkeen taangiyo la burburiyay iyo gawaari qafilan oo ah lidka diyaaradaha.

Sarkaal milateri oo shisheeye oo saldhiggiisu uu yahay waddanka Itoobiya ayaa sheegay in sawirro lagu qaaday dayaxgacmeed iyo caddaymo kale ay “si cad u muujiyeen” in diyaaradaha drones-ka la adeegsaday, qiyaastiina illaa 20 dayuuradood ayaa howlgalaya. Ma cadda tirada diyaaradahaas ee ay suuragalka tahay inay Turkida sameeyeen.

Saraakiisha Turkiga iyo Itoobiya midna meel fagaare ah kama xaqiijin iibka drones-ka.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale diyaarado drones ah waxa ay ka soo iibsatay Isutagga Imaaraatka Carabta, dowladdaas oo Reuters ay sheegtay in aanay ka soo jawaabin codsi loo diray oo la xiriiray inay ka jawaabaan walaaca Mareykenka.

Diyaaradda aan duuliayah lahayn ee Biractar TB2

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado heerkoodu sareeyo ka taya wanaagsan kuwa laga soo saaro dalal badan.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Bishii May dalka Poland oo xubin ka ah gaashanbuurta NATO, ayaa heshii ay ku iibsanayaan 24 diyaaradood la galay Turkiga.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in wasiirka gaashaandhigga Poland uu u sheegay idaacadda lagu magacaabo Radio 2 ee dalkiisa in diyaaraduhan ay muujiyeen “kartidooda dagaalka.”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sacuudiga ay sidoo kale muujiyeen inay danaynayaan inay iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Waxtarka Bayraktar TB2 marka goobaha dagaalka la joogo

 

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada.

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaareen dagaalkii ay la galeen iyo Armenia.

Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya iyo Liibiya.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post