438 Views

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ku yaal Shabeellaha Dhexe

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ku yaal Shabeellaha Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 15, 2021–Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in marqura ay ka warheleen madaafiic kusoo dhaceysa degaanka, waxaana la sheegay inay ku dhaceen in ka badan 10 madfac Gudaha xerada iyo Agagaarkeeda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weerarka madaafiicda ah ay ku darayaan inay jiraan khasaarooyin ka dhashay madaafiicda, balse ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogeyn, sidoo kalena aysan faah faahin ka bixin saraakiisha Ciidamada Burundi.

Ciidamada Burundi ee ku sugan Saldhiga la weeraray ayaa dhankooda waxaa ay werarkaas uga jawaabeen madaafiic xoogan oo ku dhacayay duleedka degaanka buuranee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM & kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellah Dhexe.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post