1053 Views

Golaha hoggaaminta Beesha Habagidir oo soo saaray digniin culus oo ku saabsan hagar daacin ay sheegeen in lagu hayo Rooble

Golaha hoggaaminta Beesha Habagidir oo  soo saaray digniin culus oo ku saabsan hagar daacin ay sheegeen in lagu hayo Rooble
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

  Golaha hoggaaminta Beesha Habagidir ayaa Maanta soo saaray digniin culus oo ku saabsan hagar daacin ay sheegeen in lagu hayo habsami socodka doorashada Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay inay u muuqato ififaalo iyo dhaq-dhaqaaqyo keeni kara xasilooni daro, colaad iyo carqaladeyn habsame u socodka iyo taaba gelinta doorashada Dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’isulwasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha Golaha Hogaaminta Habargidir Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdsiho ayaa sheegay inay soo saareen qodobada soo socda:

1 – In loo midoobo taaba gelinta doorashada Dalka lagana fogaado wax kasta oo carqaladeyn kara ka shaqeynta doorasho xor iyo xalaal ah.

2 – In Ra’isulwasaaraha iyo xukuumadiisa lagu gacan siiyo dardar gelinta doorashada loona madax baneeyo gudashada waajibaadkoooda dastuuriga ah iyo heshiisyadii ay gaareen Golaha wada tashiga Qaranka.

3 – In Ra’isulwasaaraha kasoo dhalaalo hanka iyo rajada ay umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ka sugayaan, taasoo ah qabashada doorasho hufan si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga oo ay ku jiraan hey’adaha Federaalka qaarkood.

4 – Golaha hoggaaminta Habargidir wuxuu ka digayaa cawaaqibka ka dhallan karta haddii la isku dayo majaxaabin iyo hagardaamin lagu sameeyo howlaha doorashada ee Ra’isulwasaaraha hormuudka ka yahay.

5 – Golaha wuxuu garab taagan yahay habsami socodka doorasho hufan oo lagu kalsoon yahay.

6 – Golaha wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqayaa inay culeyskooda isugu geeyaan si dalka ay uga dhacdo doorasho natiijadeeda lagu wada qanco taasoo dalka ka badbaadin karta qatar siyaasadeed iyo mid amni.

7 – Goluhu wuxuu hey’adaha gargaarka iyo ganacsatada ugu baaqayaa inay dhammaan ka qeybgalaan gargaarka loo fidinayo dadka ay saameysay abaaraha.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post