435 Views

Xoolo dhatada Puntland oo ka cabanaya abaar si xun u saameysay

Xoolo dhatada Puntland oo ka cabanaya abaar si xun u saameysay
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 15, 2022

Xoola dhaqatada ku nool miyiga fog ee gobolka Nugaal ee maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya, ayaa ka cabanaya saameynta abaarta halkaasi ka jirta.

Waxaa xoola-dhaqatadu ay sheegayaan in xoolahoodu ay haatan halis ku jiraan. Ku dhawaad muddo laba sano ah halkaasi roob ku filan kama di’in.

Roob la’aantani, ayaa keentay in xoolaha nugulka ahi ee sida lo’da oo kale ay le’daan.

Cabdirashiid Maxamed Ciid, ayaa waxa uu ka mid yahay dadka xoola dhaqatada ahi ee abaartaasi saameysay.

Khadka taleefoonka ayuu ugu warramay weriyaha BBC-da Axmed Badar, isagoo Cabdulrashiid carabka ku dhuftay in baad iyo biyaba midna aanay u hayn xoolahooda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post