786 Views

Al-Shabaab Oo Xalay Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Saldhig Ay Leeyihiin Ciidanka Kenya

Al-Shabaab Oo Xalay Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Saldhig Ay Leeyihiin Ciidanka Kenya
____________________________________________________________________________


Sabti: December 4, 2021

Wararka aan ka helayno degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xubno ka tirsan dagaamayaasha Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin degmadaas.

Weerarka oo Al-shabaab ay u adeegsadeen Madaafiic ayaa waxaa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ku leeyihiin degmada Ceel-waaq, waxaana la sheegay in qaar kamid ah Madaafiicda la tuuray ay ku dhaceen gudaha Saldhiga.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta Madaafiicda, kadibna uu xigay dagaal kooban oo dhexmaray xubno ka tirsan Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo Ciidanka Kenya ee joogay Saldhiga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ay gubteen Teendhooyin ku dhex yaallay gudaha Saldhiga Ciidanka Kenya, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay weerarka, in kastoo aan la caddeyn khasaaraha ka dhashay weerarka inta uu la egyahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka laga helayo degmada Ceel-waaq ayaa sheegaya in xaaladda degmadaas ay tahay mid degan, isla markaana ay shaqeynayaan isku socodka gaadiidka iyo goobaha Ganacsiga, kadib weerarkii xalay dhacay.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa weeraro isugu jiray mid toos ah iyo kuwa qaraxyo ugu qaadeen Saldhigyo Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post