285 Views

Ciidanka Booliiska oo soo bandhigay waxyaabaha Maanka dooriya

Ciidanka Booliiska oo soo bandhigay waxyaabaha Maanka dooriya
____________________________________________________________________________

Khamiis:SEPTEMBER 22, 2022


Ciidanka Boliiska ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay waxyaabaha Maanka-dooriya oo si sharci dara ah looga ganacsanye qaar kamid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maandooriyahan ayaa waxaa kamid ah Calaqa iyo Xashiishka, kuwaasi oo lagu eebinayay qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Goobta lagu soo bandhigay waxyaabahan ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), isaga oo kormeeray Ciidanka Howgalka waday.

Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Madaale oo Isgooska Fagax Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Maandooriyaha uu halis ku yahay xasiloonida Caasimadda iyo Horumarinta bulshada, isla markaasna ay ka hortagi doonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post