3234 Views

Maxkamad Ku Taal Hindiya Oo Xukun Ku Riday 60 Dhalinyaro Soomaali Ah

Maxkamad Ku Taal Hindiya Oo Xukun Ku Riday 60  Dhalinyaro Soomaali Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09 September 2017 –Warbaahinta dalka Hindiya ayaa qortay in Maxkamad lasoo taagay 60 ka mid ah Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee loo heystay Falal burcadbadeednimo ee ku xiran dalka Hindiya.

Dhalinyaraddaan ayaa ka mid ah 118 qof oo dowladda Hindiya ay ku eedeeysay in ay Afduubteen Markab ganacsi Sanadkii 2011-kii.

Dhammaan waxa ay qirteen in ay galeen dambiyadda lagu soo oogay oo ah in ay yihiin Burcadbadeed,islamarkaana ay wateen qoryo xilligii lasoo qabanaayay.

Qaadiga Maxkamadda Magaalada Mumbai oo lagu magacaabo JC Jagdate waxa uu  sheegay in 60-ka Eedeysane lagu xukumay min 7 sanno ah,islamarkaana dib loogu celin doono Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dowladda Hindiya la gashay heshiis ku saabnaa soo deynta dhalinyaradaasi, waxaana dowladda Hindiya ay sheegtay in ay soo wareejin doonto Markii ay xukunto.

Dalka Hindiya ayaa Sanado badan waxaa ku xirnaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 120, waxaana labo ka mid ah ay ku dhinteen Xabsiga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment