1806 Views

Sawiro:-Qaraxyo Ka Dhacay Magalada Muqdisho

Sawiro:-Qaraxyo Ka Dhacay Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 13, 2019 –Qaraxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Warshada Baastada iyo Coca Cola ee degmada Yaaqshiid,waxaana lala eegtay Kolonyo ka tirsan ciidamada AMIOSM oo halkaaso ku socdaalayay.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Miino nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay ciidamada AMISOM gawaari ay la socdeen,sidoo kalena qaraxa kadib la maqlay rasaas la sheegay inay fureen ciidamada AMISOM.

Weli macada khasaaraha ka dhashay qaraxaas lala eegtay kolonyada AMISOM,waxaana hakad galay Gaadiidka dadweynaha ee ka Shaqeeya Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho.

Qaraxa labaad ayaa waxa uu ka dhacay laami yaraha soobe,waxaana la sheegay in uu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca raaxada ah una eg Gawaarida aan xabada Karin ee loo yaqaano (balad buruuf).

Qaraxaas ayaa dad goobta tegay waxa ay sheegeen in uu ku dhaawacmay ruux gaariga watay,kaas oo aan weli la shaacin waxa uu ahaa,iyada oo ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ay goobta tageen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment