819 Views

Turkiga oo wada hadallo kula jira saddex dal isaga oo doonaya in saldhig uu ka hirgeliyo

Turkiga oo wada hadallo kula jira saddex dal isaga oo doonaya in saldhig uu ka hirgeliyo
____________________________________________________________________________

Jimco: June 25 2021

Turkiga ayaa wada hadallo kula jira saddex dal isaga oo doonaya in saldhig uu ka hirgeliyo Soomaaliya iyo gantaal loo adeegsado hawada sare, sida laga soo xigtay madaxa hay’adda hawada sare ee Turkiga.

Serdar Huseyin Yildirim, oo ah madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga hadalkan u sheegay wakaaladda wararka ee Sputnik mar uu ka hadlayay Shirka Hawada sare ee lagu qabtay St Petersburg intii u dhaxeysay 14 iyo 18 bishan June.Turkiga ayaa Soomaaliya ka dhisan kara xarun hawada sare laga aado oo ay ku kacayso lacag dhan $350 milyan tan oo qeyb ka ah barnaamijka hawada sare oo ay ku baxayso adduun dhan $1 billion.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay horraantii bishan, xilli ay socotay xafladda sanad-guurada Barnaamijka Hawada Sare ee Qaranka ku dhawaaqay in Turkigu uu qorsheynayo inuu dayaxa caga dhigto wixii loo gaaro 2023.

“Hadafkeenna ugu horreeya waa inaan dayaxa tagno 2023, sanad-guurada 100-aad ee Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaan rumeysnahay in injineerrada Turkiga ay awoodi doonaan fulinta holwgalkan,” ayuu yiri.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay qorsheyneyso in Soomaaliya ay ka dhisto xarun laga gano gantaalka loo dirayo hawada sare. Soomaaliya ayaa haatanba waxaa ku yaal saldhigga ugu weyn ee tababarka milatariga ee Turkiga, waxayna xukuumadda Ankara lahaayeen xiriir aad u wanaagsan tan iyo sanadkii 2011.

Dowladdaa Soomaaliya ayaan arrintan wali ka hadlin, mana cadda sababta uu Turkiga si gaar ah ugu daneynaya inuu xaruntaasi ka dhsio Soomaaliya.

“Qiimeynta dowladda waxay muujineysaa in saldhig hawada sare oo laga sameeyo Soomaaliya ay ku kici doonto in ka badan $350m. Dowladda waxay sidoo kale dooneysaa in ardayda Turkiga loo oggolaado inay maaddada fiisigiska hawada sare ka soo bartaan dibadda, waxayna siodo kale maalgelineysaa jaamacadaha Tukriga, dhammaan waxaa ku kacaysa ilaa $150m.” Ayaa lagu yiri warbiixn lagu daabacay wargeyska Middle East Eye. Yildirim ayaa intaas ku daray in Tukriga uu wada hadallo la yeeshay hay’adda hawada sare ee Ruushka, Roscosmos, isla markaana ay qorshe faahfaahsan la imaan doonaan sanadka dambe, marka la dhammeeyo dhismaha saldhigga.

Turkiga ayaa hay’addiisa hawada sare aasaasay bishii December 2018. Sanadkii 2020, waxay ku dhawaaqday tijaabinta gantaal ay sameysay hay’adda Roketsan.Waxay sidoo kale qorsheyneysaa in cirbixiyeenno Turki ah ay aadaan Xarunta Caalamiga ah ee Hawada Sare, ayna diraan dayax-gacmeedyo.

Wareysi uu sanadkii hore siiyay Sputnik, ayuu Yildirim ku sheegay in hay’adda hawada sare ee dalkaasi ay ka shaqeneyso ku dhowaad 30 mashaariic oo kala duwan, isla markaana ay wada hadallo la gashay ilaa 20 dal, oo ay ku jiraan Ukraine, Kazakhstan, Ruushka, Japan, Shiinaha, Pakistan, Hindiya iyo Azerbaijan.Xiirirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si wanaagsan ku socday sanadihii la soo dhaafay, Turkiga ayaana tababaray saddex meelood meel ciidamada Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post