753 Views

Isimada Puntland oo maalmahaan u fadhiyey xalka xiisadda magaalada Boosaaso oo caawa soo saaray 6-qodob

Isimada Puntland oo maalmahaan u fadhiyey xalka xiisadda magaalada Boosaaso oo  caawa soo saaray 6-qodob
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

 Isimada dhaqanka Puntland oo maalmahaan u fadhiyey xalka xiisadda magaalada Boosaaso ee u dhaxeysa xukuumadda Deni iyo taliska ciidanka PSF ee uu hoggaaminayo Maxamuud Diyaano ayaa caawa soo saaray 6-qodob oo ay u arkeen in arrintaan lagu xali karo.

Isimada ayaa go’aamiyey in hey’adda PSF ay sideeda sii ahaato oo hoggaankeeda loo daayo Maxamuud Cusmaan Diyaano, iyadoo Agaasime Maxamuud la hordhigay inuu dib isugu raadiyo ciidankii ku kala jabay dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Agaasime Maxamuud Cusmaan Diyaano loo dhigo gogol dib u heshiineed, si loo soo afjaro khilaafka.

Qodobka sedaxaad waxay Isimadu ku go’aamiyeen in dhibkii ka dhacay magaalada lagu dagaalamay ee Boosaaso loo bandhigo shareecada Islaamka oo lagu dhaqmo xukunkeeda.

https://1079bbb8419cf08711cd5049bb29f012.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Dhanka kale Isimada ayaa xukumadda Puntland u soo jeediyey in laga laabto heshiiskii ay la gashay shirkadda Imaaraadka ee DPW oo maamusha Dekedda magaalada Boosaaso, iyagoo sheegay in shantii sano ee gacanta ay ku heysay aysan shirkadaasi qaban waxii looga baahnaa.

“Waxaan go’aaminay in 17% dakhliga dekedda loo qoondeeyo hormarinta magaalada Boosaaso, dhaqaalahaas waxaa si wadajir ah gacanta ugu heyn doona, Isimada dhaqanka iyo guddi hormarinta magaalada loo sameyn doono, kuwaas oo noqon doona guddi aamin ah I.A,”ayaa lagu yiri bayaanka Isimada Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post