726 Views

War deg deg ah: Taliye Xijaar oo xilkii ka qaaday Saadaq Joon kuna badalay farxaan Qaroole..

War deg deg ah: Taliye Xijaar oo xilkii ka qaaday  Saadaq Joon kuna badalay farxaan Qaroole..
____________________________________________________________________________

April 12-4-2021

Saacad kadib markii Saadaq Joon uu is hor taagay kulan lagu waday in baarlamaanka uu sameeyo Mudo kororsi, ayaa waxaa arintaas Caro ka qaaday Dowlada, Waxaana goor dhawayd xilka laga qaaday Saadaq Joon.

 Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa goor dhow xilka qaadis ku sameeyey taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo saacado, kahor shaaciyey inuu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa lagu sheegay in xilka taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir loo magacaabay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole), kaas oo loo dalac-siiyey Gaanshaanle Sare.

Sidoo kale Farxaan ayaa horey u ahaa taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Xilka qaadista Saadaq Joon ayaa timid, kadib saacado uun markii shaaciyey in Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kan gobolka Banaadir uu joojiyey kulankii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan muranka hareeyey doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post