897 Views

Putin oo la xasuusiyey in Reer Galbeedku heystaan hub niyukliyeer ah

Putin oo la xasuusiyey in Reer Galbeedku heystaan hub niyukliyeer ah
____________________________________________________________________________

Isniin: February 28, 2022

Madaxweynaha Ruushka, ayaa ku dhawaaqey in ciidamadiisa Niyukliyeerka ah ay heegan sare galaan, si ay dunida u xasuusiyaan inuu leeyahay hubka wax gumaada, ugana weeciyo indhaha dagaalka uu ka wado Ukraine, sida uu sheegay xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska.

Ben Wallace ayaa ka sheegay barnaamijka BBC Breakfast in ficilada Putin ay cambaareeyeen Beesha Caalamka.

“Waa inuu ogaadaa Putin xaqiiqada ah in saaxiibkiisa kaliya xiligan uu u muuqdo inuu yahay Madaxweynaha Belarus, waa inuu gar waaqsadaa iney hubaal tahay inuu taariikhda dhanka xun ka galayo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay Xoghayaha in dowladda Ingiriiska aaney u muuqan wax is bedel ah, oo ku yimid mowqifka Niyukliyeerka ee Ruushka.

Wuxuu intaa ku darey Ben Wallace in Ingiriisku sidoo kale uu yahay awood leh hubka wax gumaada ee Niyukliyeerka, iyadoo ay tahay in Putin uu ogaado in wax waliba oo ku lug leh hubka Niyukliyeerka ah iney ka wada siman yihiin, halka Reer Galbeedku ay leeyihiin quwad ka ballaaran tan Ruushka marka ay timaado Niyukliyeerka.

Wuxuu carabka ku dhuftey xoghayaha in dowladda Ingiriisku aysan qaaddi doonin tallaabo uga sii darta xaaladda taagan ee cakiran, balse hadalada la is weydaarsanayo ay tahay dagaal afka ah, isagoo ku taliyey in si wanaasan dhibaatada jirta loo maareeyo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post