636 Views

War deg deg ah: Qof isku xiray jaakad oo goor dhawayd isku Qarxiyay afaafka hore ee saldhiga Booliska degmada Xamarweyne

War deg deg ah: Qof isku xiray jaakad oo goor dhawayd isku Qarxiyay afaafka hore ee saldhiga Booliska degmada Xamarweyne
____________________________________________________________________________

 February 23, 2021 

Waxaa goor dhawayd qarax wayn oo laga maqlay Jugtiisa Magaalada Muqdisho uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afafaka hore ee  saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sidoo kale wararka horudhac ah ayaa sheegaya in nooca qaraxa uu ahaa is-miidaamin, kaas oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qaraxa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post