1209 Views

Midowga Afrika Oo Xilliga U Kordhiyey Hawlgalka AMISOM

Midowga Afrika Oo Xilliga U Kordhiyey Hawlgalka AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 16, 2019–Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxay bishan May 9-dii Kulankoodii 848-aad ka yeesheen Warbixintii Guddoomiyaha AU-da ee Dib-u-eegista Wdaajirka ee AU-da iyo QM ee Hawlgalka AMISOM ee Somalia.

Kulankaasi oo uu shir guddoominayey Danjiraha Joogtadda ee Dowladda Ruwanda, ahna Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee PSC ee bishan, Ambassador Hope Tumukunde Gasatura waxaa warbixino laga dhegeystay Agaasimaha Golaha PSC,Dr. Admore Kambudzi oo ku hadlayey magaca Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika ee PSC, Ambassador Ismail Chergui iyo Ergayga Gaarka ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, AmbassadorFrancisco Madeira iyo Wakiilo ka kala socday dalalka Somalia, Ethiopia, Ekwatooriyal Gini, Urur-gobaleedka IGAD, QM iyo Midowga Europe.

Hadal-qoraal oo ka so obaxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxaa lagu sheegay in horumar muuqda laga sameeyey hubinta Ammanka iyo Nabadda Somalia iyo sida ay uga go’an tahay muhiimadda Joogitaanka Ciiddanka AMISOM ee gudaha Somalia.

 

Golaha PSC  waxay kaloo go’aamiyeen dib-u-cusbooneysiinta Xilli-hawleedka Hawlgalka AMISOM, waxayna isku raaceen in muddo 12 bilood lagu daro Xilliga Hawlgalkaasi ilaa laga gaarayo bisha May 27-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

 

Muddo-kordhintaasi waxaa la sheegay in looga dan leeyahay in lagu taageero Xaqiijinta Qorshha Xilliga Kala-guurka ee Somalia ( The Somali Transitional Plan (STP).”

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment