882 Views

Amar kasoo baxay RW Kheyre oo Maanta dhaqan galay

Amar kasoo baxay RW Kheyre oo Maanta dhaqan galay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco  , March 18, 2020 —Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ku dhawaaqay in muddo 15 Cisho ah la xirayo goobaha Waxbarashada ee ku yaalla Magaalada Muqdisho sababo la xiriira in laga digtoonaado Cudurka Carnovirus.

 

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in inta badan uu Amarkaasi ka dhaqan galay Magaalada muqdisho iyo gobolada dalka,isla markaana badi Maanta la fasaxay Goobaha Waxbarashada.

 

 

 

Inta badan Macalimiinta Jaamacadaha & Iskuulada ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa Ardaydooda waxaa ay la wadaageen in la fasaxay Iskuulada iyo Jaamacadaha,iyada oo la fulinayo Amarka Ra’iisul Wasaaraha.

 

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ardayda qaarkood xalay lala wadaagey fariimaha ku saabsan in muddo 15 Cisho ah la fasaxay,halka kuwa qaarkood saaka markii ay tageen goobahooda waxbarashada lagu wargeliyey.

 

Tan iyo markii Garoonka Muqdisho lagu qabtey Muwaadin Soomaali ah oo ka yimid Shiinaha,kaas oo baaritaan kadib laga helay Cudurka Coronavirus ayaa waxaa Dowladda ay Xarumo dadka lagu karantiilo ka sameeysay meelo kamid ah Magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment