2160 Views

Itoobiya oo furtay warshad wasakhda koronto ka dhalisa

Itoobiya oo furtay warshad wasakhda koronto ka dhalisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 20, 2018 – Madaxweynaha Itoobiya ayaa xarigga ka jaray warshad cusub oo koronto, taas oo wasakhda u badali doonta tamar.

Waxaa la rumaysan yahay in warshaddaasi ay tahay middii koobaad ee nooceeda ah ee Afrika laga hirgaliyo.

Warshadaan ayaa ku taalla goob bannaan oo lagu daadiyo qashinka magaalada Addis Ababa, halkaas oo dhul go’ay uu sannadkii hore ku dilay 100 ruux.

Qashinkan la gubayo ayaa la filayaa in laga dhalin doono 25 megawatts oo koronto ah maalin walba.

Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome oo furitaanka warshadda ka hadlay ayaa sheegay in dalkiisu uu si wayn u maalgashanayo qaababka lagu heli karo koronto aan hawada wasakhaynaynin, si loo xoojiyo wax soo saarka warshadaha.

warshada-tamamrta-qashinka-itoobia-3 warshada-tamamrta-qashinka-itoobia-2 warshada-tamamrta-qashinka-itoobia-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment