366 Views

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga oo sheegay in uu diiday codsi ay Israa’iil kaga dalbatey in loo soo gacan galiyo Hogaamiyeyaasha Xamaas ee ku nool Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga oo  sheegay in uu diiday codsi ay Israa’iil kaga dalbatey in loo soo gacan galiyo Hogaamiyeyaasha Xamaas ee ku nool Turkiga.
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 15, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkigu diiday codsi ay Israa’iil kaga dalbatey in loo soo gacan galiyo Hogaamiyeyaasha Xamaas ee ku nool Turkiga.

Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dalabka yuhuuda uu yahay mid ay la yaabtay dowladiisa oo aan sinaba loo aqbali karin.

“Waan diidnay codsigii Israa’iil ee ahaa in loo gacan galiyo Hogaamiyeyaasha Xamaas ee ku nool Turkiga, wax la aqbali karana maaha” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga ayaa sheegay in Turkigu aanu Xamaas u aqoonsaneyn Urur Argagaxiso, isagoo intaas ku daray in Xamaas ay u arkaan urur u halgamaya xoreynta dhulka reer Falastiin.

Turkiga oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay dalalka islaamka ee sida weyn u taageera shacabka dulman ee reer Falastiin ayaa soo celiyey xiriirkii diblomaasi ee Israel oo sanado ka hor uu jaray xad gudubyada Israel ku heyso faklastiin awgood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post