1029 Views

Dagaallkii ka socday magaalada Boosaaso oo caawa fiidkii is taagay ku dhawaad 10 qof oo ku dhimatay, barakac ka socda halkaas.

Dagaallkii ka socday magaalada Boosaaso oo caawa fiidkii is taagay ku dhawaad 10 qof oo ku dhimatay, barakac ka socda halkaas.
____________________________________________________________________________

Talaado: December 21, 2021

Wararka ka imaanaya Caawa magaalada boosaaso ayaa sheegaya in xaalada ay caawa dagan tahay, waxaana ka soo baxaya dagaalkii maanta warar kala duwan, waxaana halkaas ka socda barakac.

Dagaallkan oo ahaa  mid xooggan ayaa ka sii socda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaasi oo bilwoday barqannimadii saaka, waxaana dagaaladan ka dhashay khasaare dhimasho iyo  dhaawac soo gaaray dad iskugu jira askar iyo shacab.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya ilaa tobaneeyo qof oo dhaawac ah in la diiwanageliyey, waxaana sidoo kale k,u dhintay in ka badan 10 qof sida ay saxaafada u sheegeen Goobjoogayaal.

Sidoo kale Hubka Culus ayaa la isku adeegsaday gabaldhicii galabta, waxaana ka mid ah Hubka la isku adeegsaday Hoobiyayaal.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo ciidamada la dagaalanka argagixisada ee PSF, ee ka amar qaata ilmo Diyaano.

Office Nairiobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post